Sawirro+Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay Xukuumadda Cusub

63

Madaxweynaha Dowladda  Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa  kulan la qaatay Golaha Xukuumadda  Soomaaliya ee uu Xalay ku dhawaaqay  Ra’iisulwasaare Rooble.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad cusub ee tayo leh, iyo doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada iyo haweenka in ay ka soo dhex muuqdaan Golaha Wasiiradda Cusub.

sidoo kale Madaxweyanaha  ayaa tilmaamay  in loo baahan yahay dardargalinta howlaha horyaalla Xukuumadda si dalka looga qabto doorasho dadban.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa  waxaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo maalmihii la soo dhaafay laga sugaysay.

Kulankan ayaa waxaa uu ahaa mid Madaxweynaha uu ugu mahadcelinayay Ra’iisulwasaare Rooble dadaalkii uu galiyay in uu soo dhiso Gole wasiiro oo gudan kara waajibaadka Dowlada.