Saturday, May 8, 2021
Bogga Hore Wararka Manta Madaxweyne Farmaajo oo Saadaq Joon ka xayuubiyay dhammaan darajadii Ciidan

Madaxweyne Farmaajo oo Saadaq Joon ka xayuubiyay dhammaan darajadii Ciidan

16

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobalka Banaadir Saadaq Cumar Maxamed (Saadaq Joon) ka xayuubiyay dhamaan darajadii ciidan, si waafaqsan sharciga ciidamada Qalabka sida.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Farmaajo oo si toos ah looga Akhriyay telefashinka Qaranka ayaa waxa lagu shaaciyay in Saadaq Joog laga xayuubiyay dhamaan darajadii ciidan ee uu heystay.

Sidoo kale Xeerka Madaxwaynaha ayaa waxaa looga xayuubiyay Saadaq Joon wixii xuquuq ah ee uu lahaa ka hor Darajo ka xayuubinta ee sharcigu tilmaamayay, isagoona lagu eedeyay Qaran dumis.

Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa waxaa shalay xilka qaadis ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska dowladd Jen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, waxaana xilkaas loo magacaabay Farxaan Qaroole.

Saadaq Cumar Maxamed Saadaq Joon ayaa shalay sheegay in marnaba uusan aqbali doonin in muddo kororsi ay sameeyaan Xildhibaanada Golaha Shacabka, isla markaana warbaahinta ka sheegay inuu joojiyay kulankii ay yeesheen Golaha Shacabka.