Madaxweyne Farmaajo RW Rooble & , Guddoomiye Mursal oo Shir xasaasi ah ku yeeshay Villa Soomaaliya .

62

Madaxweynaha dowlada federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee barlam,anka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo uu wehlinayay Ra’iisul Wasaaraha xukumaddaa federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay waxaa ay dhowr jeer yeesheen kulamo gooni gooni ah kuwaasi oo ahaa kulamo wadatashiya ah.

Wararka laga helay  shirarkaasi ayaa waxaa ay sheegayana in kulamada looga hadlayay magacaabista Xubnaha Golaha Wasiirada cusub ee Soomaaliya  ee dhawaan la soo magavaabi doono maadaama Xukuumadda Cusub ee la soo dhisi doono ay heysato waqti yar oo laga doonayo inay wax badan qabato kuwaasi oo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka sugida amaanka wadanka iyo adeegyada iyo fududeynta dib u eegista dastuurka dalka

Shirarkaan wadatashiga ah ee la xiriira soo magacaabista Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxaa ay ahaayeen todobaadkaan kuwa si isdaba-jooga ah uga dhacayay xaruunat Madaxtooyada, soomaaliaya ee Villa Soomaaliya waxaana lagu wadaa in Ra’iisul Wasaare Rooble uu saacadaha soo socda ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada cusub .

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilligii ay codka kalsoonida siinayeen Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa uu balan qaaday in ilaa iyo 8 qodob in uu diirada saari doono, kuwaas oo Bulshada Soomaaliyeed u baahan yihiin in wax laga qabto.

Siyaasin badan ayaa waxa ay xusul doob siyaasadeed ugu jiraan sidii ay uga soo dhex muuqan laheen Golaha wasiiarda cusub ee dhawaan lagu dawaaqi doono iyado isha lagw ada haayo xubnaha uu raisluwasaare Rooble u soo xusho in ay ka mid noqdaan xukumadiisa .

 Warar Hoose ayaa waxa ay Sheegayaan in Golaha wasiiarda cusub ay ka mid nooqn doono kuwa hadda Jooag qaar kood kuwaasi aad ugu dhaw Xafiiska Villa soomaaliya iyadoo Guydoomiyaha Golaha shacabka dhankiisa uu wato xubno uu ku doonayo in loogu soo daro waan ta keentay in xalay ay kawad hadlaan sidii uu uga dhaadhiicn lahaa in xildhibaanda golaha shacabka y meel mariyaan Golaga wasiiarda cusub ee uu soo waddo Risul wasaare Rooble .