Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Hirshabelle oo gaaray Magaalada Beledweyne

30

Madaxweyne ku xigeenka dowlad gobaleedka Hirshabelle Yusuf Axmad Hagar dabageed ayaa maanta si weyn logu soo dhaweyay magalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan

Soo dhaweynta waxaa ka soo qeyb galay mas’uliyiinta mamulka gobalka oo uu hogaaminayay gudomiye Cali Jeyte Cismaan iyo bulshada qeybaheeda kala duwan kuwaas oo intooda badan watay Boorar ay ku xardhanyahiin sawirada madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle so dhaweyn kadib Wafdiga ayaa loo galbiyay Xarunta Mamulka gobalka Hiiraan halkaas oo Madaxweyne ku xigeenka kula kulmay masuliyiin ka tirsan mamulka gobalka siyaasiyiin iyo odayaal dhaqmeedyo ,

Gudomiyaha gobalka hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa wafdigaaan u fidiyay kalmado soo dhaweyn ah

Mas’uuliyiintii kale ee qeybta ka ahaa Wafdiga ayaa ugu mahadceliyay sida quruxda badan ee loo so dhaweyay .

Ugu dambeyntii Madxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hishabelle Yusuf Axmad Hagar dabageed ayaa u Mahad Celiyay shacabka reer Hiiraan ee sida Qiimaha badan u soo dhaweyay isaga oo shegay in inta uu ku suganyahay hiiraan uu la kulmi doono cid waliba oo qabta tabasho lana qancin doono.