Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Guddoomiyey shir looga hadlayey amniga Galmudug

40

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa Shir Guddoomiyay Shirka Amniga Maamulka Galmudug oo ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulkaas.

Shirkaan oo ay ka soo qayb galeen Wasiirka Maaliyada, La taliyaha Madaxweynaha Galmudug iyo Saraakiisha laamaha ammaanka ayaa waxaa diirrada lagu saaray sare u qaadida amniga guud ee Galmudug iyo kan gaar ahaaneed ee Caasimadda oo lagu qabanayo Shirka Maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa faray laamaha amniga Galmudug in ay si weyn u adkeeyaan amniga Caasimadda Dhuusamareeb iyo guud ahaan deegaannada Maamulka.