Madaxweyne Ku-Xigeenka Galmudug Oo Kulamo Ka Wada Caabudwaaq

12

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid oo gaaray magaalada Caabudwaaq,ayaa kulamo gaargaar ah la qaatay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, Mudaneyaasha Baarlamaanka Galmudug iyo bulshadii halkaasi.

Kulamadaasi waxaa Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Galmudug iyo masuuliyiintii kale ay halkaasi kaga wada hadleen xaalada nabadgelyo ee gobolka,xal u helidda baahiyaha jira iyo xoojinta xiriirka wada shaqeyneed ee Dowlad Goboleedka iyo bulshada Galmudug.

Mudane Cali Daahir Ciid, oo maalmahaan safarro shaqo ku marayey degmooyin iyo deegaanno kamid ah Galmudug,waxaa maalinimadii shalay si diiran loogu soo dhaweeyey degmada Caabudwaaq ee waqooyiga Gobolka Galguduud.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug waxa uu u mahadceliyay qaar kamid ah labada Gole ee Dowlad Goboleedka Galmudug, duubabka dhaqanka, dhallinyarada iyo qeybaha bulshada Caabudwaaq oo ka qeybgalay soo dhoweyntiisa