Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle oo Sheegay in Gudigii Doorashada in siidii u shaqeyndoono

34

Madaxweyne ku xigeenka dawlad gobaleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Xuseen Cali Guudlaawe oo bilooyinkii ugu danbeeyay howlo shaqo u joogay  Magaalada Muqdisho ayaa maanta waxa uu dib ugu laabtay  Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulka Hirsabelle

Wafdiga uu hogaaminayey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseeen ayaa garoonka degmada Jowhar waxaa kusoo dhaweeyay gudoonka baarlamaanka Hirshabelle masuuliyiin ka tirsan labada gole ee dawlad goboleedka Hirshabelle maamulka gobalka Shabeelaha Dhexe kan degmada Jowhar Barbaarta Gaashaaman ee gobalka iyo Marti Sharaf kale

Cismaan bare maxamed gudoomiyaha baarlamaanka dawlad gobaleedka Hirshabeelle iyo Canab axmed Ciise oo ah gudoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Hirshabelle ayaa soo dhaweyn u muujiyey madaxwweyne ku xigeenka asigoona gudoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Cismaan Barre uu ka hadlay aragtidiisa sida aay la tahay dhismaha xiligaan sida aay ku socoto.

Madaxweyne ku xigeenka dawlad gobaleedka Hirshabelle oo soo dhaweyn ka dib saxaafada la hadlay ayaa sheegay in xiliga kan aay usoo jeesteen in waqtiga loogu talagalay ay ku dhacdo doorashada maamulka Hirshabelle asigoona tilmaamay  in gudigii  farsamo ee soo xulista labaad ee baarlamaanka hirshabelle uu magacaabay madaxweynaha dawlad gobaleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare aay sidoodu ku shaqeenayaan isla markaana lagu dhaqmi doono jadwalka lagu soo xulayo xildhibaanada labaad ee dawlad goboleedka Hirshabelle