Madaxweyne ku xigeenka M/ Galmudug oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho

131

Waxaa maanta Muqdisho soo gaaray Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, iyadoona garoonka ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Banaadir oo uu horkacayey, Maxamed Cabdullahu Tuulax.

U jeedka safarka Cali Daahir Ciid ayaa ah mid la xiriira arrimo shaqo oo uu maalmaha soo socda ku joogi doono magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu kulamo la qaadan doonaa mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo madaxda kale ee dowladda federaalka ah ee Soomaliya.

Waa safarkii ugu horreeyay ee uu magaalada Muqdisho ku yimid madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Cali Daahir tan iyo markii xilkaas loo doortay bilowgii sanadkan 2020, waxaana uu maanta uu ka soo amba-baxay magaalada Dhuusamareeb.