Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo u safray Dalka Turkiga

152

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan, ayaa saaka oo Khamiis ah Safar ugu baxay Magaalada Ankara ee Caasimadda Waddanka Turkiga.

Madaxweyne ku xigeenka waxaa Garoonka Diyaaradaha Garoowe ku sii saagootiyay qaar kamid ah Mas’uuliyiinta Golayaasha Dowladda, saraakiil ka socotay Madaxtooyada iyo xubno ka tirsan Xafiiskiisa.

Ilo’ ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa xaqiijiyay in Safarka Madaxweyne ku xigeenku la xiriiro checking Caafimaad oo caadiya, kaas oo uu mararka qaar ku tego dalka dibaddiisa.