Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug oo la kulmay dhalinta Xeraale

157

Waxaa Degmada Xeraale ee Gobolka Galgaduud ku sugan wafdi uu hoggaaminayo, Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo xalay gaaray degmadaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Cali Daahir Ciid oo qayb ka ah wafdiga Madaxweynaha Galmudug ayaa duhurnimadii maanta la kulmay dhalinyarada reer Xeraale.

Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug ayaa sheegay in dhalinta deegaanka uu ka xog wareystay xaaladooda, ayna uga warbixiyeen horumarka ay ka sameeyeen deegaanka.

Sidoo kale Madaxweyne Kuxigeenka ayaa sheegay in uu u ballanqaaday in si dhow uu wada shaqayn ula yeelan doono, wax badana ay wada qabsan doonaan.

“Waxaan u ballanqaaday in aan si dhow ula shaqayn doono, wax qabad badana aan wada sameysan doono.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, oo warkan ku sheegay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Waxaan kulan is xog wareysi ah la qaatay Ururka Dhalinyarada Degmada Xeraale ayago iga warbaxiyay hormarka ey Degmada ka hirgaliyen iyo baahiyaha heesta ka dhalinyaro ahaan.” Ayuu yiri Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug.