Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo la kulmay wafdi WFP ka socda

27

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Madaxa hay’adda WFP Soomaaliya Cesar Arroyo.

Kulanka Madaxweyne ku xigeenka waxaa ku wehliyay Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdirashiid Cali iyo saraakiil kale.

Sidoo kale waxaana kulanka looga wada hadlay kaalmada Bini’aadantinimo iyo mashaariicda kale ee WFP Puntland ka wado iyo sidii loo dar-dar galin lahaa.