Beydhabo 14,Aprl,2021,madaxweynaha dowladda koonfur galbeed mudane Abdi Aziiz hassan mohamed lafta gareen ayaa maanta shir gudoomiyey kulan muhiim ah oo ku saabsana xoojinta wada shaqeynta madaxda hay’addaha amaanka ee dowladda koonfur galbeed
Kulanka oo ay ka qeyb galeen wasiirka amniga, iyo laamaha amniga qeybahooda kala duwan waxaana shirkaasi war bixino looga dhageystay wasiirka amniga iyo sarakiisha
Madaxweyne Abdi aziiz hassan mohamed lafta gareen iyo Madaxda amaanka ayaa isla dajiyay istiraatijiyada isgaarsiinta iyo sidoo kale kobcinta awoodda iyo siyaabaha looga hortagi karo falalka la xiriira argagaxisada ka hor inta aysan dhicin.
Madaxweyne lafta gareen iyo laamaha amniga ayaa isla garwaaqsadeen istaraatijyada ay uga bad baadin karaan muwaadiniinta koonfur galbeed weerarada kaga imaanaya argagixisada alshabab in ay tahay wada shaqeyn iyo feejignaan.iyo in cadowga la baacsado
Natiijooyinka dhiirrigelinta kulanka waxaa ka mid ah habab cad oo la dejiyey iyada oo loo marayo xoojinta iskaashiga wada jirka ah iyo wada shaqeynta dhamaan laamaha amniga iyo shacabka.
……………….Dhamaad………………