Madaxweyne Lafta Gareen oo baaq culus u diray baarlamaanka Soomaaliya

56

Madaxweyne DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen oo kulan gaar ah la yeeshay Xildhibaannada, Senatarada & Wasiirada ku matala Federaalka Dowlad Goboleedkaas ayaa u diray baaq culus oo ku aadan heshiiska doorashooyinka.

Kulankaan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho waxa uu usoo bandhigay Xildhibaannada codsi ah in codka ay siiyaan heshiiska Madaxda DFS  & DG ay kala saxiixdeen 17-kii bishaan oo lagu go’aamiyay doorashada dalka.

“Waxa aan idinka codsanayaa in aad aqbashaan heshiiska lagu hagayo xaaladda kala guurka, waa qodobo muhiim u ah dalka oo doorasho ka dhaceyso, maadaama sharcigaan lagu heshiiyay wadatashigii ugu dambeeyay” ayuu yiri Madaxweyne lafta gareen.

Cabdicasiis Lafta gareen ayaa bogaadiyay doorka Xildhibaannada, Sentarada iyo Wasiirada Federalka ee Deegaan Doorashadoodu tahay Koofur Galbeed ku leeyihiin howlaha Geedi socodka dalka.

“Door wanaagsan oo la shaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed ayaad ku sifowdeen, Guddoomiyaha Golaha Shacabka & ku xigeenkiisa 1-aad oo ah hoggaanka hay’adda xeer dejinta oo kaalintooda muuqato ayay ku faaneysaa DG KGS” ayuu yiri Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen.

Fadhiga waxaa ku sugnaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ku xigeenkiisa Koowaad, Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, Xildhibaan Aadan Madoobe, xubno soo qabtay xilal Wasiiro, ku xigeen iyo Wasiiru Dowlayaal oo dhammaantood kasoo jeeda Deegaannada Koofur Galbeed oo ka kooban Shabeelaha Hoose, Baay iyo Bakool.