Madaxweyne Lafta Gareen oo hambalyo u diray ardayda Koonfur Galbeed

21

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Hambaliyo udirey Guud ahaan Ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan Ardayda Koonfur Galbeed oo imtixaanka shahaadiga Dugsiyada sare ee Dalka ka galay kaalimaha ugu Horeya sida 10 hore iyo 100 kowaad ee Sanad Dugsiyeedka 2020 Sido kalena Tabanka School ee ugu Wanaagsan Dalka Koonfur Galbeed ay uga jirto 3 School

“Waxaan uhambaliyeynaya Ardayda Somaliyeed gaar ahaan Ardayda Koonfur galbeed oo muujiyey Dadaal Waxbarasho Sanadkan guulo ka gaaray kaalimaha ugu horeya Imtixaanka shahaadiga Dugsiyada sare Dalka oo kagalay 10 Hore iyo 100 kowaad Taasi oona ku Timid Dadaalka ay mujiyeen Ardayda Waxaan Rajaynayna Sanadkan soo Socdana Guul tan ka wanaagsan inad ka gaartaan waxaan balan qadayna inaan sii kordhin doono Hormarada Waxbarashada ee Deganada Koonfur Galbeed

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa si gaar ah ugu mahad celiyay Macalimiinta,Waalidka,Ardayda kaalmaha hore ka galay sidii ay ugu dadaaleen Mustaqbalka ardayda iyagoo wakhti iyo dadaal dheer ku bixiyay sidii ay halka ay maanta joogaan usoo gaari lahayeen.

Madaxweynaha ayaa balan qaaday in lasii kordhin doono tasiilaadka ay Dowladu ku bixiso dhinacyada Waxbarashada iyo hormarinta Bulshada si ay usoo baxaan jiil Aqoon ku hogaamiya Mustaqbalka Shacabka iyo Deeganada Koonfur Galbeed.