Madaxweyne Lafta Gareen oo ka tacsiyeeyey geerida Malaaq Isaaq Cali

53

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa ka tacsiyadeeyey geeridii ku timid Ilaah ha u naxariistee Marxuum Malaaq Isaaq Cali oo Maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Lafta Gareen ayaa tacsi u diray guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Koonfur Galbeed.

“Waxaan tacsi u dirayaa dhamaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Koonfur Galbeed iyo Qoyskii uu ka baxay Marxuum Malaaq isaaq cali oo Maanta tii Rabi utimid Waxaan Alle uga bariyayaa inuu Naxariistiisa janno ka waraabiyo, nagana siiyo samir iyo imaan.“ ayuu yiri madaxweynuhu.

Allaha u naxariistee marxuumka ayaa sidoo kale ahaa Aabaha dhalay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya, Xildhibaan Adan Isaaq Cali.