Madaxweyne Lafta gareen oo la kulmay masuuliyin ka socotay Qm

35

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo kusugan Magaalada Muqdisho ee Casimada Dalka ayaa Xarunta Qaramada Midoobay ee Magaalada Muqdisho waxaa uu kulan kula qaatay Ku Xigeenka 1aad Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya iyo Sidoo kale Wakiilada Dowladaha USA, Amb. YAMAMOTO, UK Amb. BEN FENDER iyo Mas’uul kasocday EU oo kulanka Madaxweynaha uga Qeybgaleen Aalada Internetka

Kulanka oo ahaa Mid Saacado Qaatay Inta uu Socdayna Waxaa looga Hadlayey Qodobo ay kamid ahayeen Sidii loo ilaalin lahaa Xasiloonida Guud ee Dalka,

Doorashada Waqtigeeda ku qabsoomi lahayd iyo Sidii looga wada shaqayn lahaa Natiijadii kaso Baxday Shirkii u dambeyey ee Dhuusamareeb ka dhacay.