Madaxweyne Lafta Gareen Oo La Shiray Wafdi Heer Caalami Ah+SAWIRRO.

57

Madaxweynaha dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen iyo  Gudoomiyaha Barlamanka Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Dr Cali Saciid Fiqi ayaa xaruunta Madaxtooyada KGS kulan kula qaatay Masuu’liyiin kasocday hay’adda USAID iyo Hay,adda kale ee TIIS oo Baydhabo Booqasho Ku jooga.

Madaxweynahe Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen ayaa ugu horeyn Warbixin ka dhagaystay Mas’uuliyinta ka socday labadaan Hay’adood  iyo waxyaabaha uu la xariiro Socdaalkooda Baydhabo.

 Mas’uuliyintaan ayaa Madaxweynaha uga  warbixiyeen Howlaha shaqo ee ay ka wadaan Deeganada Maamulka  Koonfur Galbeed iyo sida ay uga qeybqadanayaan Hirgelinta Goobaha Muhiimka u ah Bulshada sida Dib-udhiska Wadooyinka iyo Xarumaha Danta Guud,ee Maamulkaasi.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa Masuuliyiinta uga mahadceliyey Booqashada ay ugu imadeen Waxaana uu Amaanay Shaqooyinka Wanaagsan ee ay ka wadaan deeganada Koonfur Galbeed Waxa uu ku Bogaadiyey inay sii laba jibaaran Shaqooyinka.

Ugu dambeyn hay’adaaha USAID iyo TIIS ayaa waxa ay mashaariic ka fulin doonan Deeganada Dowlad Goboledak Koonfur Galbeed Soomaaliya .