Madaxweyne Lafta-gareen oo maanta Dalka Dib ugu so laabtay ka dib Safar uu ku maqnaa Dalka Turkey

87

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa maanta Dalka Dib ugu so laabtay ka dib Safar uu ku maqnaa Dalka Turkiga

Madaxweeyne lafta gareen ayaa waxaa garoonka aadan adde ee muqdisho kusoo dhweeyey Masuuliyiin iskugu jiray wasiiro iyo xildhibaano katirsan dowlada Somaliya iyo Maalmul Goboleedka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha ayaa intii uu kusugnaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho wuxuu kulan la qaatay Safiirka Dowlada Turkey iyo Safiirka Dowlada Qatar ufadhiya Soomaaliya iyo Saraakiil kale Waxaana Madaxweynaha ka Tacsiyadeeyey Qaraxii shalay Argigixisada Alshabaab ay ka Geesteen Wadada Xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo Sababay Qasaaro isugu jira Dhimasha iyo Dhaawac.

Madaxweeynaha ayaa sheegay in argagixisada al-shabaab ay kasoo horjeedaan hormarka umada Soomaliyeed asagoo ku dhiira-galiyey ingineerada ku howlan dhismaha wadada xiriirisa Afgooye iyo Muqdisho in ay sii wadaadaan dhismaha wadada oo ah wado muhiiim u ah isku socodka Muqdisho Afgooye

SAWIRADA KULANKA