Madaxweyne Lafta Gareen oo magacaabay gudoomiye cusub

40

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Samafalka Gobolka Baay.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweyne Lafta-gareen ayaa waxaa xilka Guddoomiye ku-xigeenka Samafalka ee Gobolka Baay loogu magacaabay inuu noqdo Aadan Xasan Maxamed.

Magacaabista Guddoomiye Aadan Xasan ayaa timid, kadib marii uu talo soo jeediyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi, sidaasina lagu magacaabay.

Hoos ka akhriso magacaabista