Madaxweyne Lafta gareen oo Magacaabay Wasiirrada warfaafinta iyo macdanta

191

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur galbeed Soomaaliya, C/casiis Xasan Maxamed (lafta-gareen) ayaa Maanta wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa ku Magacaabay Laba xubnood oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada ee Maamulkaas.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo wacyigelinta bulshada KG ayaa loo magacaabay , Ilyaas Siciid Cali (Qalinle) halka Suleymaan Shucayb Cali isna loo magacaabay Wasiirka wasaaradda macdanta iyo batroolka.

Wasiirkii hore ee Warfaafinta KG, Ugaas Xasan Cabdi Maxamed iyo Wasiirkii hore ee Macdanta iyo Bartoolka , Maxamed C/raxiim Nuur ayaa la filayaa in ay dhowaan xilka ku wareejiyaan xubnahan uu Madaxweynuhu Magacaabay.

HALKAAN KA AKHRISO