Madaxweyne Lafta Gareen oo qaabilay wafdi ka socda DF Soomaaliya+Sawirro

25

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Soomaaliya, kuwaas oo maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Wafdigan ayaa waxaa horkacayey wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada ee xukuumadda Soomaaliya, waxaana sidoo kale qeyb ka ahaa maareeyaha hay’adda duulista rayidka, Mudane Axmed Macalin.

Xubnahan ayaa wxa ay Baydhabo u tegeen horumarina garoomada ku yaalla deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay kulamo kala duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiinta sar-sare ee maamulkaasi, kuwaas oo looga hadlay xaaladda dalka.