Madaxweyne Lafta Gareen Oo Xaflad Soo Dhoweyn Ah Loogu Sameeyey Turkiga

34

Xaflad si wayn loo soo qaban-qaabiyay oo lagu dhawaynayay madaxwaynaha maamul goboleedka KGS Cabdicasiis Xasan Muxamed (Lafta Gareen) ayaa lagu qabtay  magaaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Munaasabaddaasi waxaa soo agaasimay jaaliyada Koonfur Dalbeed Soomaaliya ee magaalada Istanbul, waxaana ka soo qayb galay ardayda wax ka barta dalkaasi, haaween, dhalinyaro iyo odoyaasha dhaqanka.

Guddomiyaha jaaliyadda Koonfur Galbeed ka soo jeeda ee dalkaasi Turkiga mudane Maxamed Cabdullahi ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan-yihiin in ay dalka Turkiga ku soo dhaweeyaan Madaxwayne Cabdicasiis Lafta Gareen oo uu  sheegay in  mudadii uu xilka hayay uu tubta horumarka u jiheeyay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xafladdan soo dhawaynta ah waxaa sidoo kale goob-joog ahaa wasiirro & xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Koonfur Galbeed iyo saxafiyiin Soomaaliyeed.