Madaxweyne Koonfur Galbeed oo xalay qaabilay Siciid deni

72

Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa Hoygiisa ku qaabilay Madaxweynaha Puntland oo Booqasho ugu yimidSahal

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo howla shaqo ujooga Magaalada muqdisho ee Casimada Dalka ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdulaahi Dani oo Booqasho iyo Salaan ugu yimid.Masuuliyiinta ayaa qaatay kulan kusaabsana isxog wareysi iyo kala warqaadasho Arimaha Siyaasada Dalka Doorka labada Dowladood ay ka qaadanayaan Geedi socodka Dowladnimada Dalkeena ka shaqaynta Amniga,Hormarinta Dhaqaalaha la dagaalanka Argigixisada iyo Hormarinta Bulshada

Kulanka ayaa sido kale Labada Madaxweyne Siciid Cabdulaahi Dani iyo Abdicasiis Xasan Maxamed lafta gareen waxaa looga hadlay Wanaajinta iyo iskaashiga labada Dowladood Puntland iyo Koonfur Galbeed iyo Dadaalada lagu Dardargelinta Hanaanka Dowladeed Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ayaa Uga Mahadceliyey Madaxweynaha Puntland siciid Abdulaahi Dani Booqashada ugu Yimid kulanka ayaa sido kale waxaa qeyb ka ahaa Taliyaha Ciidanka Asluubta Somaliyeed Sareeye guud Mahad Abdiraxmaan Aadan Taliyaha Ciidanka Booliska Siihayaha Wasaaradda Cadaalada iyo Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr ali saciid fiqi.

Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyadda DGKGS Mudane Maxamed Cali Ibraahim ayaa ka warbixiyey kulanka Iyo waxyaabahii looga hadlay.