Madaxweyne Qoor qoor iyo Safiirka Soomaaliya oo Kulmay

32

Madaxweynaha maamul Gobaleedka Galmudug Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay dalka Turkiga, waxaana uu kulan la qaatay qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool dalkaasi.

Madaxweyne Qoorqoor waxaa uu la kulmay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin  safiirka Soomaaliya ee dalka Turkiga  safiir  jaamac, safiir kuxigeenka dalka Turkiga  Bishaar Ugaas iyo guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga.

Waxaa sidoo kale uu kulan la qaatay madaxweyne Qoorqoor qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada Soooamlieed ee ku sugan dalkaas, Ganacsatada Soomaliyeed iyo saxafiyiinta  ayaa ka mid ah dadka uu la kulmay, iyadoo Ardayda wax ka barta dalka turkiga uu la qaatay kulamo gaar ah.

Qoor qoor ayaa shalay ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya waxaana uu sheegay in dalka turkiga uu u tagayo howlo shaqo.