Madaxweyne Qoor-Qoor oo daah-furay Kalfadhiga 2-aad ee baarlamaanka Galmudug

43

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay si rasmi ah u daah-furay Kalfadhiga labaad ee baarlamaanka maamulkaasi.

Munaasabadda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo ka dhacday xarunta Shiirkole, waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka sare  Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaano, Wasiiro, Bulsha rayidka, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Khudbado kala duwan ayaa laga jeediyey munaasabadda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Nuur ayaa ka warbixiyey waxyaabihii u qabsoomay Kalfadhigii 1-aad iyo waxyaabaha u qorshaysan kalfidhigaan.

Ugu dambeyn Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug, waxa uu jeediyey khubad dhaxalgal ah oo dhinacyo badan khuseysa sida; amniga, dib-u-heshiisiinta, garsoorka, dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo arrimaha siyaasadda.