Madaxweyne Qoor-Qoor oo saaka ku sii jeeda magaalada Baydhabo

18

Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay lagu wadaa in saacadaha soo socda ay gaaraan wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qor Qoor).

Baydhabo waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Hir-Shabelle, waxaana la filayaa in gelinka dambe ee Maanta uu shir uga furmo Saddexda Madaxweyne Dowlad Goboleed ee Hir-Shabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in shirka ay uga hadli doonaan sidii ay mowqif mideysan uga qaadan lahaayeen shirka la filayo in uu Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada uga furmo Muqdisho.

Dhanka kale Madaxtooyada Soomaaliya ayaa shalay gelinkii dambe shaacisay in 11-ka Bishaan oo ku beegan Maalinta berito ah uu dhcii doono Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Dowlad goboleedyada.

Muqdisho waxaa muddo todobaad ah ku sugan Madaxweynayaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland, kuwaas oo Muqdisho u yimid wada-hadalka Madaxweyne farmaajo, hayeeshee ay dalbadeen in wada-hadallada lagu soo daro Madaxda kale ee Maamulada si ay u wada gaaraan heshiis doorasho oo dhameystiran.