Madaxweyne Qoorqoor Oo Farriin U Diray Hay’addaha Amniga Galmudug

76

Waxaa Maanta Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug kulan looga hadlaayay amniga ku yeeshay hay’adaha kala duwan amniga, waxaana kulankaas shir guddoomiyay Wasiirka amniga Maamulka Axmed Macalin Fiqi.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu soo saaray xaqiijinta amniga caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb iyo deegaanada ku hareeraysan, la dagaalanka Al-shabaab, ka hortagga falalka amni darro iyo qalqal-gelinta amniga caasimada ku lugta leh iyo koontoroolka hubka sharcidarrada ah ee caasimadda lagu dhex sito.