Madaxweyne Qoor-Qoor oo la kulmay Wasiirro ka tirsan Jabuuti+Sawirro

20

-Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane; Axmed Cabdi Kaariye iyo wafdigiisa oo maalmahan ku sugnaa Dalka Jabuuti ayaa kulan la qaatay Wasiirrada Wasaaradaha amniga, arrimaha gudaha iyo Taliyeyaasha Ciidamada Dalka Jabuuti.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray amniga iyo sidii ciidamada hiil-walaal iyo kuwa Galmudug ay iskaga kaashan lahaayeen howlgallada ka dhanka ah  Alshabaab, iyo in ay Dowlada Jabuuti sii xoojiso taageerada ay siiso Galmudug.

Madaxwweyne Qoorqoor ayaa dhowaan kulan la qaatay Madaxweynaha Dalka Jabuuti Md; Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin iskaashiga dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo amniga.