Madaxweyne Sheekh Shariif oo gaaray Beydhabo

53

Wararka naga soo garaya magaalada Beydhabo ee Xarrunta Kumeel gaarka ah ee Dowlad Goboledka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa sheegaya in  Guddoomiyaha Midowga Musharrixiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Beydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay

Kadib marii uu garay Sheekh Shariif sheikh Axmed ayaa waxa uu kulan gaar ah kula qaatay  Xarunta Madaxtooyada Koofur Galbeed Madaxweyne C/cassis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed.

Kulankaan ayaa waxa uu yahay mid looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka iyo doorka dowlada goboledka Koonfur Galbeed ay ku leedahay arrimaha doorashooyinka dalka

Wararka ayaa intaasi ku daraya in Shiikh Shariif uu madaxweyne Lafta gareen uu kala hadli doona Tabashooyinka la xiriira khilaafka ka taagan guddiga doorashada oo Musharaxiinta Mucaaradka ay sheegeen in shaqaale rayid ah iyo askar ay ku jiraan