Madaxweyne Trump oo mar kale lagu sameeyay maamus ka xayuubin

29

232 mudane oo ka tirsna golaha Kongress Mareykanka  ayaa u coddeeyey in xilka laga qaado madaxweyne Trump oo muddo xileedkiisa ka hartay 6 bari oo kaliya, halka 197 ay diideen in xilka laga qaado, iyadoo 4 ay ka aamustay, sida uu caddeeyay afhayeenka aqalka.

Fadhiga golaha wakiilada ayaa waxaa ka maqanaa labo xubnood oo keli ah, iyadoo xusid mudan tahay in golaha ay aqlabiyad aan badneyn ku leeyihiin xisbiga Dimoqraadiga.

Mooshin ayaa loo gudbin doonaa golaha aqalka sare oo ay ku badan yihiin senatarada xisbiga madaxweyne Trump ee jamhuuriga, inkastoo 10 xildhibaan oo xisbiga Trump ka tirsan maanta ka codeeyeen.

Turmp ayaa lagu eedeeyay in uu ku xadgudbay sharciga wadanka ka dib markii taageeriyaashiisa ku dhiirigeliyay in ay weeraraan aqalka baarlamaanka ee Capitol Hill ee magaalada Washington, inkastoo uu beeniyay eedda loo soo jeediyay.

Madaxweyne Trump ayaa noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee laba jeer, golaha wakiilada ay ku sammeeyaan maamus ka xayuubin, taariikhda Mareykanka.

Go’aanka golaha wakiilada ayaa Trump ka hor joogsan doona in uu isu soo taago ka qeybgalka doorashada Mareykanka ee qorsheysan sanadka 2024.