Madaxweyne Waare “Doorashadu waa in waqtigeeda ku dhacdaa waa meesha nidaamka laga neefinaayay,

51

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo khudbad ka jeediyay Shirka Wadatashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Dhuusa Mareeb ayaa ka hadlay arrimo Kale duwan oo la xiriira Xaaladda Wadanka, arrimaha Doorashooyinka Matalaada iyo Maqaamka Caasimada Muqdisho, Dastuurka Dalka Iyo arrimo Kale Duwan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay muhiimada ku dhaqanka Dastuurka uu u leeyahay Dalka Xasilooni Siyaasadeed in uu helo, islamarkaana horey ay u dhaqaaqdo, Dowladnimada, waxaana uu ka hadlay sida lagama maarmaanka ay u tahay, in doorashada Waqtigeeda ay ku dhacdo.

“Doorasho waa in waqtigeeda ku dhacdaa waa meesha nidaamka laga neefinaayay, ayna tahay in laga heshiiyo, wixii intaas ka soo haro waa farsamo, Guddiga doorashadada waa farsamo, Xaliimo Yare yaa la dhibin, dhibka halaga dhaafo, talada anagaa ka shireyno” ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa si adag uga hadalay maqaamka iyo matalaada Caasimada wuxuuna sheegay dadka reer muqdisho ay yihiin dadka ugu badan ee cashuur bixiyeyaal ah, dhibaatooyin kale duwana ay qabaan, waxaana wax laga xumaado uu ku tilmaamay mar walbo xiliyada kala guurka ah ama aakhiru saaca ah in maqaamka caasimada ayaa laga hadlayaa.