Madaxweyne Waare oo lagu soo dhoweeyey degmada Warsheekh

47

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle, Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray degmada Warsheekh ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Waare oo socdaalkan ay ku wehlinayaan xildhibaano, wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa halkaasi si weyn loogu soo dhoweeyey.

Inta uu joogo Warsheekh Madaxweynaha HirShabelle waxa uu kulamo la qaadan doonaa maamulka degmadaas iyo xildhibaanada golaha deegaanka.

Sidoo kale wuxuu is-xog wareysi la yeelan doonaa qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaallo xeebeedkaasi.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee uu Waare booqanayo Warsheekh oo ah degmo qadiimi ah, kana tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.