Madaxweynihii HirShabelle, Waare oo xilka iska casilay.

27

Madaxweynihii mudada xilheyntiisa ay dhamaatay ee Dowlad Goboleedka Hi-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa Habeenkii xalay Saqdii dhexe waxaa uu Shaaciyay in uu iska casilay xilkii Madaxweynaha Maamulka hir-Shabelele.

Qoraalka soo baxay Xafiiska Madaxweyne  Waare ayuu ku sheegay in, isaga oo tixraacayo qodobka 52aad ee Dastuurka KMG ah ee Hirshabeelle uu is casilay, xilli howlaha doorashooyinka Hir-Shabeelle ay si caadi ah uga socaan magaalada jowhar.

Waare  ayaa tusaale usoo qaatay in markii koowaad ee maamulkan la dhisayey oo ahayd 2016 la aas-aasay xilli dalka ku guda jiro doorasho federal, taasi oo keentay in xildhibaano aan tayo lahayn iyo maamul fadhiid ah, oo ay beelo badan cabasho ka qabaan lasoo dhiso.

Sidoo kale Maxamed Cabdi Waare ayaa qoraalkiis  ku sheegay in uu dalabday in howlaha doorashooyinka dib loo dhigo mudo bil ah maadaama ay soo fool leeyihiin doorashooyinka Baarlamaanka Heer Federaal,

Waare ayaa ku sheegay qoraakiisa in uu bilaawday is xulafeysi wax kala boobid iyo dano gaar ah.

Madaxweyne Waare ayaa Carabka ku adkeeyay in hadda lagu socdo waddadii oo kale, islamarkaana uu soo jeediyey in dib loo dhigo soo xulista xildhibaanada HirShabeelle illaa bil kadib doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, balse taasi ay diideen hoggaanka HirShabeelle, odayaasha dhaqanka, dowladda federaalka iyo xildhibaanada metela HirShabeelle ee Heer federaalka.

Waare ayaa sidoo kale nasiib-darro ku tilmaamay in mucaaradka dowladda federaalka oo badankood kasoo jeeda HirShabeelle ay ka aamuseen waxa ka socda HirShabeelle, halka ay ka dhiidhin jireen dhibaatooyinka maamul goboleedyada kale.

Waxa uu warqaddiisa ku sheegay in isaga oo eegaya dhammaan arrimahaas uu go’aansaday inuu is-casilo.

HALKAN KA AKHRISO QORAALKA WARQADDA ISCASILAADA