Madaxweynihii hore ee dalka Niger oo geeriyooday

27

Warbaahinta Dowladda Niger ayaa shaacisay in madaxweynihii hore ee dalkaas Tanga Mamadou oo  dadiisa aay aheyd  82 jir uu geeriyooday.

Bayaan kasoo baxay madaxtooyada dalkaas ayaa lagu yiri:

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda isagoo ka xun wuxuu idinla socodsiinayaa geerida Mudane Tanga Mamadou, madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Niger”.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in dalka Niger uu geli doono seddex maalin oo baroor diiq ah.

Tanga Mamadou ayaa xukumayay dalka Niger inta u dhaxeysay sanadihii 1999 ilaa 2010.