Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed oo soo gaaray M/Muqdisho

34

Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Shariif Xasan oo haatan ah guddoomiye ku xigeenka Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde ku soo dhoweeyey xildhibaano, wasiiro iyo xubno ka tirsan Madasha.

Sidoo kale waxaa la filayaa in goor dhow uu la hadlo warbaahinta, kana warbixiyey u jeedada safarkiisa.

Socdaalka Madaxweynihii koowaad ee Koonfur Galbeed ayaa ku soo aadaya, xilli haatan uu dalka ku jiro xaalad siyaasadeed oo cakiran iyo marxalad kala guur ah.