Madixii Cilmibaarista Nugleyrka Iraan oo goor dhaw lagu diley gudaha Dalka iran.

45

Wararka ka imanaya dalka Iran ayaa sheegaya in Madixii Cilmibaarista Nugleyrka Iraan oo goor dhaw lagu diley gudaha Dalka iran

Mid kamid ah laf dhabarta Nugleyrka Jamhuuriyada islaamiga ah ee Iraan ayaa lagu diley meel u dhaw magaalada caasimada ah ee Tahraan.

Sarkaalkaani la diley ayaa waxaa markuu ugu horeysey Geeridiisa xaqiijeyey maamulka Yahuuda waxaan layiraahdaa Mohsen Fakhrizadeh waxaa uuna kamid ahaa Khubarada dhinac Nugleyrka Dalka iraan.

Dhinaca kale wasaarada difaaca ee Dalka Iraan ayaa Xaqiijisey in la diley Mohen iyada oo durba siweyn u cambaareysey qaabka Sarkaal kaani u dhintey waxaa kasoo baxaya warar kale duwan wararka qaar ayaa sheegeya in lagu diley Duqeymo dhinaca Hawada ah.

Gantaa ayaa lala helay Garaari uu wadatey waxaan la arkeyey goobta weerarka uu ka dhacay oo dhiig farabadan iyo gaarigiisii oo intiisa badan Burburey sida ay wariyeen qaar kamid ah warbaahinta Dalka iraan

Ninkaani la diley ayaa waxaa siweyn u baadi goobeyey maamulka yahuuda 10 Sanno ee la soo dhaafey in kastoo ilaa iyo hadda israaiil aaney si dhab ah u sheegan in ay mas”uul ka tahay Geerida mohsen.