Madoobe Iyo Deni Oo Laga Cabsi Qabo In Aysan Ka Qeyb Galin Shirka Dhuusamareeb

52

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in madaxweynayaasha labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland laga yaabo iney qaadacaan ka qeybgalka shirka Dhuusamareeb 3.

Sababta ay Labadaan Maamul Goboleed u diidayaan inay ka qeyb galaan Shirka Dhuusamareeb3 ayaa lagu sheegay inay tahay dhawr qodob oo ay rumeysan yihiin hadaan la xalin inaan natiijo laga gari karin shirkaas.

Saraakiil aad ugu dhow dhow madaxweyne Deni ayaa sheegay in ay jiraan qodobo labadaba madaxweyne ay ku diidanyihiin ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb 3.