Magaalada Caabud waaq oo Bandow lagu soo rogay Maanta

45

Magaalada Caabud waaq ee gobolka galgadud ayaa waxa lagu soo rogya bandow lagu xaqiijinayo amaanka guud ee magaalada kadib markii  weerar dad shacab ah lagu dilay oo barqadii Maanta ka dhacay Caabudwaaq, ayna fuliyeen rag hubeysan oo watay gaari.

Warar hordhac ah oo aan heleyno ayaa sheegaya in weerarkii Maanta dhacay uu yahay mid salka ku haayo arrimo la xiriira aano qabiil, isla markaana weerarkaas ay geysteen rag hubeysan oo maleeshiyaad ah.

laamaha amniga Magaalada ay wadaan howlgal ballaaran oo lagu doonayo in lagu soo qabto raggii ka dambeeyay falkii lagu dilay laba ruux oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa amray lamaha Amniga Galmudug in Magaalada Caabudwaaq uu Maanta ka dhaqan galo Bandow inta laga xaqiijinayo Amniga Magaalada.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa laamaha amniga ee ka howlgala Magaalada faray inay gacanta kusoo dhigaan Maleeshiyaad hubeyan oo horey falal dilala kala duwan uga geystay Caabudwaaq.

Amarkan ayaa waxa uu imanaya iyadoo maalmahan xalaada aman ee degmada caabudwaaq ay faraha ka sii baxeyo waxana halkaasi ka dhacay dagaalo la xariiro aanooyin qaabil