Mahdi Guuleed :”Doorashada Soomaaliya 2021 wareega koobaad yaan loo Deyma La,aan sida Maamul goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

22

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ( Khadar) oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay bilaawday fulinta heshiiskii doorashada oo ay qeyb ka ahaayeen Magacaabista Guddiyada doorashooyinka dalka.

Mahdi Guuleed ayaa u jawaabay musharixiinta Madaxwehnaha Soomaaliya & Xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeestay Guddiyada Doorashooyinka Soomaaliya.

“ Heshiiska doorashada ha noqdo sharci lagu wada Shaqeeyo qof walba oo siyaasi ah oo taageero lehna ay halkaasi ku cabiraan in dalka sharci kajiro, waxaana taasi ay ku tusuneysaa in dalkaan uu shaci leeyahay cidii ixtiraami weysana hay’adaha dowladda ayay u taallaa ayuu yiri” Mahdi Guuleed.

Isaga oo ka jawaabayay cabashada musharixiinta & Xubnaha mucaaradka ee ku aadan in guddiyada doorashooyinka laga soo xulay Hay’adda NISA & Madaxtooyada ayaa waxaa uu sheegay in  Madaxweyne Farmaajo talada kaliya ee ku lahaa uu ahaa in heshiiska doorashada Baarlamaanka la horgeeyo.

Mahdi  Gulied ayaa Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dadka Soomaaliyeed ay qabiil ka koreen ayna ogaadeen dowladnimada waxaa ay tahay, isla markaana uusan meel garsiin Karin.

“ Ummada Sooaaliyeed waa ay ka gudubtay qabiil iyo xilligii lagu Owr ksan jiray oo macaash lagu raadin jiray, waxaana ay fahMeen dowladnimada waxaa ay tahay ayuu yiri “ Mahdi Guuleed.

Ugu dambeyntii  waxaa uu sheegay in Dalkaan lagu Maamulayo sharci balse aan lagu mamuleyn fowdo lagana gudbay xilligii qabiilka iyo awooda wax lagu raadin jiray rabshadna lagu abuuri jiray.