Maleeshiyaad goordhaw ku dagaalamay deegaan ka tirsan Galgaduud

26

Iska horimaad xoog leh ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud, kaas oo dhexmaray maleshiyaad isku heysta Ceel biyood.

Deegaanka uu saakay iska hor imaadkan ka dhacay ayaa lagu magacaabaa Qalaanqalle, kaas oo dhaca inta u dhaxeysa Dhuusamareeb iyo Xeraale.

Dad ku sugan deegaanadaas ayaa noo sheegay in maleeshiyaadka dagaalamay ay ka soo kala jeedaan magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Xeraale ee gobolka Galgaduud.

Illaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaas, waxaana saakay kacsan xaaladda deegaanka lagu dagaalamay ee Qalaanqalle.