Maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab oo lagu dilay Degaanka Owdinle

162

kadib howlgal lagu baacsanayay maleeshiyaadka al-shaabaab oo ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ka sameeyeen degaanka owdiinle oo qiyaastii magaalada baydhabo ee xarunta gobolka baay ujira 30 km ayay kudileen labo katirsan maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab halka laba kalana nolosha ay kuqabteen iyo hubkii ay wateen oo kala wareegeen.

Taliyaha Qeybta 60-aad xoogga dalka Jeneraal Maxamed Shiikh Cabdulaahi Cusmaan ayaa warbaahinta Dowladda u sheegay in howlgalka uu aha amid qorsheeysan ayna fulinayeen guutada 8-aad qeybta 60-aad xds islamarkaasna argagixisada qasaare lagu gaarsiiyay.

Taliyaha qeybta 60-aad Gen:Maxamed Shiikh ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb kayahay howlgalada dalka looga saaro argagixisada.