Maleeshiyada Shabaab oo ka cararay deegaan ay ku baxeen Xoogga dalka

48

Ciidamada Xoogga Dalka qeybta 21-aad gaar aaan Guutada 15-aad ayaa dagaal qorsheysan waxay ku qaadeen deegaanka Miir-dugul oo duleedka Koonfur kaga beegan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Ciidanka Xoogga ayaa ku baxay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo dad shacab ah ku dhibaateynaya deegaankaas, halkaas waxaa ka dhacay dagaal xooggan oo ugu danmbeyn qasbay iney argagixisada isaga cararaan deegaanka.

Ciidamo ka tirsan Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad oo howlgalkan fuliyay ayaa ku sugan aagii lagu dagaalamey, waxaana goobta isaga baxsadey Alshabaab sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan.