Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo lagu dilay Bariire

36

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya  oo howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose  ayaa   dilay Maleyshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo ciidanka lagu soo wargaliyay in ay ku dhuumaaleeysanayaan deegaan u dhaw Bariire.

 Ururka 143 ee Ciidanka Xooggga dalka ayaa weerar ku qaaday Maleyshiyaad ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab oo si dhuumaaleysi ah dadka ku dhaqan tuulooyin hoostaga Bariire kaga qaadayay Lacago baad ah.

Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay in Howlgalka uu ahaa Mid qorsheysan isla markaana lagu dilay Maleyshiyaad ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab

Dhamme Axmed xasan Siyaad waxa uu sheegay in Howlgalka lagu dilay ku dhawaad 12 ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab .