Maamulka Gobolka Mudug iyo Taliska qeybta Booliska ee Gobolkaasi aayaa faahfaahin ka bixiyay qarax xalay ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo kuwo gacanta lagu dhigay.
Taliyaha qeybta Booliska ee Gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire oo warbaahinta kula hadlay Gaalkayo ayaa sheegay in qaraxaas ay ku dhinteen 2 qof oo mid yahay shacab, hal kan kelana askari yahay, sidoo kale ay ku dhaawacmeen 8 qof oo isugu jira askar iyo shacab, kuwaas oo hadda lagu daawaynayo Isbitaalka Gaalakcyo.
Dhanka kale Taliya qeybta booliska gobolka Mudug wuxuu sheegay in ay shalay gelinkii dambe qabteen qaraxyo diyaarsan iyo kuwo la diyaarinayay.