Maraykanka oo digniin culus u jeediyay cid kasta oo carqaladaysa doorashooyinka soomaaliya .

43

Wasaaradda Arrimaha dibadda Dowladda  Mareykanka ayaa shaacisay  inay ka go’an tahay taageerada doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ka dhaca Afrika.

Wasaaradda Arrimaha dibadda waxay tilmaantay  tallaabooyinkaan oo la qaado inay muhiin u yihiin difaacayaasha dimuqraadiyadda, waxayna ugu yeertay in dhamaan dhinacyadu ay si nabad ah uga qaybqaataan geeddi-socodka dimuqraadiyadda.

“Cadaadis iyo cagajugleyn boos kuma lahan dowladaha dimuqraadiga ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Maraykanka.

Dalalka uu Maraykanku farriinta udirayo waxaa kamid ah Soomaaliya oo isku diyaarinaysa doorashooyin qaran.

Dowladda Maraykanka waxay si cad u sheegtay inay si dhow ula socondoonto ficilada shaqsiyaadka faragalinta ku haya geedi socodka dimuqraadiyada Soomaaliya  ayna ka labalabeyn doonin in ay ka qaaddaan tallaabooyin cawaaqib xumo ah oo ay ku jiraan in laga xaddido fiisaha kuwa mas’uulka ka ah rabshadaha doorashooyinka.

Soomaaliya ayaa waxa ay sanadkan dhamadkiisa iyo horaanta sanadka soo socda  ay geli doontaa jawi doorasho ah