Maraykanka oo u digay Markab Shixnad Hub ah u wada dalka venezuela

33

Waaxda Difaaca ee Milliteriga Maraykanka waxay u digtay Markabka Dagaalka ee MAKRAN oo laga leeyahay Iran oo ku sii jeeda dalka Fenesuweela.

Digniinta ayaa soo baxday, kadib, markii uu Wargeyska USNI News soo bandhigay Sawiro uu qaaday Dayax-gacmeedka oo muujinaya in Markabka Dagaalka Iran uu wado ugu yaraan 7 Doonyaha dheereeya ee ay Qoryaha ku rakiban yihiin.

Wargeyska Politiko ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu markii ugu horeysay qoray in Markabkaasi la filayo inuu ka soo gudbo Koonfurta Badweynta ATLANTIK.

Dhinaca kale, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Iran, Saciid Khatibzadeh waxa uu uga digay Maraykanka inay ka taxadaraan qaabka ay ula macaamili doonaan Markabkaasi.

Waxa uu sheegay inay Iran xaq u leedahay isticmaalka Biyaha Caalamka, isla markaana uusan jirin qof ka carqaladayn kara Xuquuqdaa