Mareykanka oo baaraya Maydka AUN Prof. Cali Khaliif Galeyr

51

Baaritaan ay Ka Qaybqaadanayaan Mareykanka Iyo Itoobiya ayaa  lagu Samaynayaa  Maydka AUN Prof. Cali Khaliif .

Waxaa weli jira shakiga laga qabo sababta uu u geriyooday Cali Khaliif Galeyr oo ku geeriyooday  iyadoo xalay dowlad deegaanka soomaalida Itoobiya ay sheegtay in uu u geeriyooday xanuunka covid 19 ayaa waxa hadda soo baxa warar hoose oo tilmamaya in uusan xanuun u geeriyoonin balse sun la siiyay taaso shaki kale abuurtay sababta keentay in uu u geeriyodo  Cali Khaliif Galeyr .

Geeri Cali khaliif ayaa waxa shaki ka qabo dowlada Mareykanka Oo Cali Khaliif ka heystay dhalasho mareykan ah madama uu in muddo ah ku noolaa dalkaasi mareykanka

Sarakiisah mareykan ah ayaa waxa ay sheegeyn in ay shaki ka qabaan in la dilay oo uusan cudur ugu dhiman Cali Khaliif dalak itoobiya waxana dalka Itoobiya gaaray sarakiil ku taqasustay Baarista Meydadka Kuwaasi  oo hubin Ku sameyn doono waxa keenay iyo cidda ka dambeysay Geerida Cali Khaliif Galeyr .

Siyaasi Cali Baashe Oo Kamida Raggii Ugu Dhowaa marxuumka ayaa waxa Uu sheegay In qoyska iyo ehelada ay Ku qancayaan haddii dowlada Mareykan ay kiiskaan Soo farageliso waxana uu tilmaamay In ay ka war dhowrayaan natiijadda ka soo baxda Baarista