Mareykanka Oo Dalab Deg-Deg Oo Ku Aadan Doorashada Hordhigay Farmaajo

35

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa ka hadashay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa oo lagu heshiin waayay, uuna dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa lagu sheegay in muhiim ay tahay in buuxa looga gaaro khilaafka hareeyay qabsoomida doorashada, isla markaana khilaafka soo jiitamayay uu sababay in wax horumar ah laga gaari waayo la-dagaalanka Al-shabaab.

Mareykanka ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee waqtigiisu dhammaaday si deg deg ah uga dalbaday inuu hsehiis uga keeno Madaxda dowlad Goboleedya, ayna xal ka gaaraan is marin waaga taagan.