Mareykanka oo Farmaajo ka dalbaday inuu qabto Shir ay u dhan yihin M/Goboleedyada

12

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Goor dhow War cusub kasoo saartay Shirka Madaxda dowladda Federtaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ee la filayo inuu si rasmi ah uga furmo Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ayaa waxaa Madaxweynaha JFS  Farmaajo looga dalbaday inuu qabto Shirka wadatashiga ee looga hadlayo doorashada, isla markaana ay ka wada qeyb galaan dhammaan Madaxda dowlad Goboleedyada.

Sidoo kale Mareykanka ayaa Madaxda Jubbaland, Puntland, Koonfur Galbeed, Hirshabeelle iyo Galmudug ugu baaqay inay ka qeyb galaanka Shirka, isla markaana aysan ku xirin wax shuruudo ah, si heshiis looga gaaro khilaafka taagan.

Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa diiday ka qeyb galka Shir hordhac u ah doorashada oo shalay Farmaajo, Rooble iyo qaar kamid ah maamulada dalka ku yeesheen Teendhada Afisyooni ee xeyndaabka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Safiirka Mareykanka ayaa hore Madaxda dowlad Goboleedyada dalka ku amray in aysan Caasimadda dalka ka tegi karin ilaa heshiis laga gaaro doorashada dalka ka dhaceysa, lana qabto shir looga hadlayo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada.