Mareykanka Oo Gebi Ahaan Ciidamadiisa Kala Baxay Dalka Soomaaliya

26

Afhayeenka AFRICOM Gaashaanle Sare Christopher Karns ayaa u sheegay Idaaadda VOA in hawshaas la dhammaystiray laba maalmood ka hor waqtigii kama-dambaysta ee uu u qabtay madaxweynaha Maraykanka Donald Trump in ciidankiisa looga saaro Soomaaliya oo ku beegnayd 15-ka Jannaayo.

Karns waxa uu sheegay in tiro aad u kooban oo ciidamada Maraykanka ah ay ku hareen Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale sheegay in sababo dhinaca hawlgallada socda ah darteed aysan xilligan sheegaynin waddamada la geeyey ciidamada laga qaaday Soomaaliya